LAASCAANOOD – 16 SEPTEMBER 2026:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dowladda Woqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Salmaan Abdirahman Jama (Oogo), oo ay weheliyaan Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Ruweyda Mohamud Caydiid, iyo Agaasimaha Waaxda Isgaarsiinta, Eng. Adam Ahmed, ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyey Eng. Cabdixakiin Gaani, oo ah hal-abuur da’yar oo dhowaan soo bandhigay Robot AI oo uu isagu sameeyey.
Robot-kan ayaa ku shaqeeya farsamada Machine Learning, oo ka mid ah tiknoolajiyadaha casriga ah ee sida xawliga ah dunida, maanta ugu sii kordhaysa, isla markaana door weyn ku leh horumarinta adeegyada iyo xalalka tiknoolajiyadda.
Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyey dadaalka, kartida iyo hal-abuurka uu muujiyey Eng. Cabdixakiin Gaani, isaga oo xusay in dhalinyarada ku shaqaysa aqoonta, tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka ay yihiin awood muhiim u ah horumarka iyo mustaqbalka Dowladda Woqooyi Bari Soomaaliya.
“Wasaaraddu waxay dhiirrigelin iyo taageero siinaysaa dhalinyarada leh fikradaha cusub iyo hal-abuurka tiknoolajiyadda. Waxaan doonaynaa in aqoonta iyo kartida dhalinyaradeennu ay qayb muhiim ah ka noqdaan horumarinta adeegyada Dowladda iyo bulshada,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in ay Wasaaradda kusoo dhoweynayaan Eng. Cabdixakiin Gaani, si looga faa’iidaysto aqoontiisa, khibraddiisa iyo hal-abuurkiisa, loona abuuro fursado uu kaga qayb qaato dadaallada lagu horumarinayo tiknoolajiyadda iyo adeegyada casriga ah ee Dowladda.
Home / News
News
LAASCAANOOD: Wasaaradda Warfaafinta oo Soo Dhawaysay Hal-abuur Dhallinyaro ah oo Sameeyey Robot AI