Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta & Tiknoolojiyadda ee Dawladda Waqooyi Bari (MoICT) waxaa la aasaasay si ay u hoggaamiso siyaasadda warbaahinta, isgaadhsiinta, boostada iyo tiknoolojiyadda.
Waxaan ku shaqeynaa inaan muwaadiniinta u fududeyno helitaanka war rasmi ah, adeegyo dhijitaal ah iyo nidaam isgaadhsiin oo ammaan ah.
Himilada
In Dawladda Waqooyi Bari yeelato kaabayaal isgaadhsiin iyo tiknoolojiyad casri ah oo u adeega horumarka dhaqaalaha, waxbarashada iyo maamul wanaagga.
Hiigsiga
Inaan noqono wasaaradda hoggaamisa e-Government ee Waqooyi Bari, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda muwaadinka iyo xorriyadda saxaafadda masuulka ah.
