DAWLADDA WAQOOYI BARI EE SOOMAALIYA — NORTH-EASTERN STATE OF SOMALIA
Astaanta wasaaradda

Dawladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Ministry of Information,
Communication & Technology

Official Government Website
Home / News
News

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Qeybgalay Kulanka Qorshaha TVET Master Plan ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Qeybgalay Kulanka Qorshaha TVET Master Plan ee Soomaaliya

16 Jul 2026 · Ibrahim Osman Abdinur

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dowladda Woqooyi Bari, Mudane Salmaan Cabdiraxmaan Jaamac (Oogo), ayaa maanta ka qeyb galay kulan wadatashi ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Guud ee Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha (TVET Master Plan) ee Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Caasimadda Laascaanood ee DWS . Agaasimaha ayaa intii uu kulanku socday ka jeediyey hadal uu ku bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha, isagoo xusay in maalgelinta iyo tayeynta xirfadaha dhalinyaradu ay tahay saldhigga horumarka, shaqo-abuurka iyo koboca dhaqaalaha. Waxa uu intii uu socday kulan-ku uu Agaasimuhu goobta ka sheegay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah xoogga loo saaro xirfadaha Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta (ICT), si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu diyaariyo fursadaha ka dhalanaya dunida casriga ah iyo suuqa shaqada ee ku dhisan aqoonta iyo hal-abuurka dhanka Tiknooliyadda

Subscribe to Our Newsletter

Hel wararka, xeerarka iyo cusbooneysiinta wasaaradda toddobaad kasta.