Adeegga .ne (.ne.so) waa astaanta rasmiga ah ee internet-ka Dawladda Waqooyi bari, waxaana mas’uul ka ah maamulkiisa Dawladda Waqooyi bari, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Iyo tiknoolajiyadda.
Shuruudaha Dalbashada
Hay’ad kasta oo Dawladeed waxaa laga rabaa inay buuxiso labada shuruudood ee soo socda:
In Wasaaradda ama Hay’addu si rasmi ah u soo gudbiso codsi, iyadoo warqadda codsiga uu saxeexayo ugu yaraan Agaasime Guud.
In la buuxiyo Foomka Codsiga, si loogu xafido Kaydka (Archive) ee Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Waqooyi bari.
Yaa soo dalban kara Adeegan
Adeegan waa mid dawli ah waxaana soo dalbankara Hay'ad Dawladeed oo ku Aas aasantay Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari ama Wareegto Madaxwayne.
Halkee ku soo diraa Codsiga
Fadlan ku soo dir To: admin@moict.ne.so Cc dg@moict.ne.so ama waxaad keenta Xarunta Wasaaradda
Halkan kala deg Forms oo download garayso
